Guddoomiyaha aqalka sare ee dalka Ken Lusaka ayaa tacsi u diray qoyska, ehellada iyo asxaabta senatar Victor Prengei oo u geeriyooday dhaawac ka soo gaaray shil uu galay.
Shilka ayaa ka dhacay ismaamulka Nakuru ee gobolka Rift Valley.
Lusaka ayaa senatarka ku tilmaamay shakhsi ay ka go’anayd u doodidda xuquuqda dadka laga tirada badan yahay.
Waxaa uu intaa ku daray in la tabi doono qaabkii degganaanshaha ku dheehnaa ee uu uga qayb qaadan jiray doodaha taagan.
Victor Prengei oo ka soo jeeday qowmiyadda tirada yar ee Ogiek ayaa sanadkii 2017-kii qaab magacaabid ah ugu biiray aqalka senate-ka ka dib markii xisbiga Jubilee uu u soo xushay inuu dhallinyarada matalo.
Ciidamada booliska ayaa sheegay inuu shilku ka dhacay meel u dhow aagga loo yaqaano Gioto ee qashinka lagu qubo oo dhowr kiilomitir u jirta magaalada Nakuru.
Mr. Joseph Towett oo ah guddoomiyaha golaha odayaasha deegaanka ayaa xaqiijiyay geerida senatarka wuxuuna sheegay inuu xakamayn waayay koontaroolka gaarigiisa ka hor inta uusan ku dhicin meel god ah.
Siyaasigan ayaa geeriyooday isagoo lagu dabiibayo isbitaalka Moi .
Taliyaha ciidamada booliska ee ismaamulka Nakuru Beatrice Kiraguri ayaa sheegtay in baabuurka senatarka uu ku wajahnaa Kabarak isagoo ka yimid magaalada Nakuru.
Barasaabka ismaamulka Nakuru Lee Kinyanjui ayaa dhankiisa Victor Prengei ku tilmaamay shakhsi si daacadnimo ay ku dheehan tahay ugu adeegayay dadweynaha.
Guddoomiyaha Nakuru ayaa sheegay in senatarka uu geeriyooday abaare 9.45 ee xalay.