Wararka ka imaanaya Xeebaha Gobolka Jubbada Hoose ee Koonfurta Soomaaliya ayaa sheegaya inay Halkaas Waxyeelo ku gaadhay dad Soomaaliyeed oo Kaluumaysato ahaa.
Sidoo kale Maamulka Jubbaland ayaa faahfaahin guud ka bixiyay dadkaas kalluumeysatada ahaa oo ku dhintay Xeebaha Gobolka Jubbada Hoose, kadib dabeylo xooggan oo ka kacay Xeebaha ismaamulkaasi.
Wasiirka Kalluumeysiga & kheyraadka Badda Maamulka Jubbaland Cabaas Cali ibraahim ayaa sheegay in dabeeylaha kacay ay sababeen inay qalibmayn 11 doomood oo Xeebaha ku sugnaa, isla markaana ay ku dhinteen ugu 5 Ruux oo kalluumeysato ahaa.
Waxaa uu intaasi ku daray inay dabeylaha sidoo kale burburiyeen Guryo ku yaalla Xaafadda Calaleey ee magaalada Kismaayo, kuwaasoo xigay dhinaca Badda, balse aan wax khasaaro Nafeed ah ka dhalan.
Ugu dambeyn Mr Cabbaas Cali ibraahim ayaa uga digay dadka ku nool xeebaha& Kalluumeysatada Gobolka Jubbada Hoose inaysan Badda galin, isla markaana ay taxadar ka muujiyaan dabeeylaha Xooggan ee socda.
Sanad walba marka la gaaro xilligaan oo kale ayaa waxaa dabeeylo xoogan ay ka billowdaan inta badan Xeebaha dalka Soomaaliya, waxaana ku dhinta qaar kamid ah kalluumeysatada sidoo kale waxaa ku burbura dooman dhowr ah iyo Guryaha ku yaalla agagaarka Xeebaha.