Madaxweynaha wakhtigiisu dhammaaday ee dalka Zambia Edgar Lungu ayaa qirtay in looga adkaaday doorashadii madaxtinimada ee wadaankaas ka dhacday 12 -kii bishaan Agosto oo ku beegnayd maalinkii Khamiista ee aan ka soo gudubnay waxaana ka guuleystay murashaxa mucaaradka ee uu Loolanka adag la galay Hakainde Hichilema.
Madaxweyne Lungu ayaa sheegay inuu u hoggaansami doono qodobka dastuurka ee qeexaya in awoodda si nabad ah la isugu wareejiyo ,isagoo u hambalyeeyay Musharaxa ka guulaystay kadib markii Hichilema loo doortay Madaxweynaha 7 -aad ee dalka Zambia xili Khudbadiisa si toos ah looga siidaayay idaacadda iyo telefishinka dowladda wadankaasi Zambia.
Musharraxa ka socday jabhadda waddaniga ee wadankaasi Zambia Hakainde Hichilema ayaa isna u mahadceliyay taageerayaashiisa wuxuuna si kooban uga warbixiyay guulaha xisbigiisu ka gaaray qaranka ka kooban 18 milyan oo qof.
Madaxweynaha la doortay ee dalka Zambia ee ka soo baxay Xisbiga Midnimada iyo Horumarka Qaranka, ayaa ballan qaaday inuu dawlada uu soo dhisi doono ay noqon doonto mid loo dhan yahay.
Wuxuu sidoo kale balanqaaday inuu soo dhisayo Gole Wasiiro oo isku dheelitiran sidoo kalena Matalaya dhamaan 10-ka Gobol ee wadankaasi ka kooban yahay.
Wuxuu kaloo Bogaadiyay dhallinyaradii codaysay ee qaybta Lixaadka leh ka qaadatay doorashada isagoo cambaareeyay rabshadihii doorashada Saameeyay,isagoo shacabkiis u xaqiijiyay inaysan Doorasahda ka dib dhici doonin wax aargoosi ah.
Arintaan ayaa imaanaysa kadib markii Gudoomiyaha gudiga Doorashooyinka dalka Zambia, Esau Chulu, uu ku dhawaaqay inuu Hichilema helay codad gaaraya 2,810,757 una dhiganta (59.38 boqolkiiba codadkii la dhiibtay halka Madaxweynaha Muda Xileedkiisu dhamaaday Egdar Lungu uu helay 1,814,201 una dhiganta 38.33 boqolkiisa.
Ka dib markii si rasmi ah loo shaaciyey Guusha Xisbiga Mucaaradka Zambia doorashooyinkii dhacay uu ka soo hooyay taageerayaasha Mr Hichilema ayaa waxay isugu soo baxeen wadooyinka caasimadda Lusaka ayagoo sameeyeen dabaal dagyo ay guusha u soo hoyatay ku muujinayaan.