Guddoomiyihii guddiga Xalinta Khilaafaadka ee doorashada Soomaaliya C/llaahi Abyan Nuur ayaa xalay ku geeriyooday Isbitaal Martiini ee magaalada Muqdisho.
Sida ay xaqiijiyeen xubno ka tirsan Guddiga waxaa Guddoomiyaha laga helay cudurka Coronavirus, waxa uu horay u qaban xanuuno kala duwan.
Cabdullaahi Abyan Nuur ayaa horay u soo qabtay xilal kala duwan oo gaarsiisay ilaa heer wasiir.
Maalmihii lasoo dhaafay ayaa la sheegay in uu xanuunsanaa.
Home Wararka Soomaaliya Guddoomiyihii guddiga xallinta khilaafaadka ee doorashada Soomaaliya oo geeriyooday