Burcad baddeed Soomaali ah oo markab ku weeraray xeebaha Soomaaliya

0
420

Markabka ahaa mid ganacsi ayaa kooxaha Burcad baddeeda Soomaalida waxaa ay weerareen xilli uu marayay meelo kamid ah xeebaha dalka Soomaaliya, isaga oo waday Agab Ganacsi oo aad u farabadan.
Ururka Ganacsiga Badaha UK War kasoo baxay ayaa waxaa lagu sheegay in Markabka iyo shaqaalihiisa ay Burcadda isku dayeen inay afduubtaan, hayeeshee ay bad qabaan oo ay ka badbaadeen.
Weerarka ayaa waxaa uu ka dhacay meel 100 nautical miles waqooyi bari uga beegan magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, waxaana markabka gelbiyay Ciidamada NATO oo ku sugan xeebaha Soomaaliya.
Sanadihii la soo dhaafay ayaa waxaa aad u yaraaday weerarada Burcad baddeeda Somaalida, hayeeshee werarkaan ayaa waxaa uu kusoo aaday xilli malmihii la soo dhaafay golaha Ammanka ee Qaramada Midoobay ay ka doodayeen amniga Badaha Soomaaliya.