Magaalada Muqdisho oo la gaarsiiyay tallaalka COVID-19

0
403

Waxaa maanta magaalada Muqdisho laga dajiyay 302,400 talaalka Johnson ee COVID-19.
Tallaalkan waxaa Soomaliya ugu deeqday Dowladda Mareykanka iyada oo soo marisay xarunta COVAX (CEPI, Gavi, UNICEF, WHO), ujeedaduna tahay in dalka Soomaaliya laga saacido ka hortagga Caabuqa COVID-19.
Imaatinka qaybtaan koowaad ee tallaalka Johnson & Johnson ee COVID-19 waxay ku soo aaday iyadoo dalka Soomaaliya uu wajahayo mowjadii saddexaad ee COVID-19.
Wasaaraddda Caafimaadka ayaa uga mahadcelisay Dowladda Mareykanka deeqdan, waxaana loogu baaqayaa dhammaan Shacabka Soomaaliyeed in ay qaataan tallaalka.