Madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen)ayaa maanta dib ugu laabtay Magaalada Baydhabo ee Xaruunta KMG ee Maamulka Koonfur Galbeed kadib amrkii maalmihii la soo dhaafay uu safar ugu maqnaa dalka turkiga, isagoo sidoo kale dhawaan tegay Magaalada Xudur ee Xarunta Gobolka Bakool oo xaalad adag ay ka jirto kadib go’doomin ay mudo Sanado ah shababku galiyeen
Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa ka hadlay xaalada amni ee degaannada maamulkaas iyo howlgalladii ugu dambeeyay ee ay fuliyeen Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliy wuxuuna Ciidanka Xoogga ku bogaadiyay howlgalada ka dhanka ah Al-shabab ee ay deegaanada akle duwan ka wadaan gaar ahaan howlgalkii ay Talaadada ka fuliyeen Deegaanka Seeydheelow ee Gobolka Baay, halkaasoo la sheegay in lagu dilay 7 Xubnood oo ka tirsan al-Shabaab.
Ugu dambeyn Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa ku baaqay in loo midoobo dagaalka ka dhan ah Ururka Al-Shabaab, isagoo sheegay in Maamulkiisa ay ka Go’antahay in shabaabka laga saaro deegaanada ay kaga sugan yihiin.