Ismaamulka Nairobi oo bixinaya lacagaha ka maqan qandaraasleyda

0
664

Dowladda ismaamulka Nairobi iyo maamulka ay dowladda dhexe u xilsaartay maareynta qaar ka mid ah adeegyada bulshada ee caasimadda dalka ee NMS ayaa ku heshiiyay in sida ugu dhaqsiyaha badan loo bixiyo lacago aynan ilaa iyo hadda helin qandaraaslayaal.
Shakhsiyaadkan ayaa xilligii miisaaniyad sanadeedkii 2018-2019-kii adeegyo kala duwan u fidiyay dowladda ismaamulka Nairobi.
Anne Kananu oo si ku meel gaar ah u haysa xilka barasaabka Nairobi iyo agaasimaha guud ee maamulka NMS Maxamad Badi ayaa sheegay inuu jiro qorsho lacagahan loogu wareejinaya qandaraasleyda ay in muddo ah ka maqnaayeen.