Maxay tahay sababta ee madaxtooyada dalka u tirtirtay qoraal lasoo dhigay barta Facebook-ga ee State House ee ku saabsanaa muranka badda?

0
641

Qoraal lagu soo daabacay barta Facebook-ga ee madaxtooyada dalka looga arrimiyo ee State House ayaa lagu sheegay in madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta uu dalbaday in arrinta la xiriirta muranka badda ee labada dal u dhexeysa Kenya iyo Soomaaliya si saaxiibtinimo ah xal looga gaaro.
Balse mardambe qoraalka ayaa laga saaray barta Facebook ee State House.
Dhanka kale war-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Mr.Rooble uu ku adkeeystay in muranka badda ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya aysan haba yaraatee wax wadahadal ah ka geli Karin, islamarkaana lagu xallin doono go’aanka maxkamadda caddaaladda adduunka ee ICJ.

Markii qoraalka wax laga beddelay