Madaxweynaha dalka Mudane Uhuru Kenyatta ayaa Talaadada maanta ah kulan wada-tashi ah la yeeshay qeybaha kala duwan ee hoggaamiyeyaasha xisbiyada siyaasadeed ee dalka si uu ugala hadlo dhowr arrimood oo taabanaysa xaalada Kenya.
Hoggaamiyayaasha xisbiyada siyaasadda ee uu la kulmay maxaweynaha waxaa ka mid ah hogaamiyaha xisbiga ODM Raila Odinga ,hogaamiyaha ANC Musalia Mudavadi ,Kalonzo Musyoka oo ah madaxa (Wiper), Moses Wetangula oo hogaamiya (Ford Kenya), iyo Gideon Moi oo isna ah hogaamiyaha (KANU).
Kulankan ayaa ka dhacay Aqalka Madaxtooyada, Mombasa. Waxaa sidoo kale goobjoog ka ahaa barasaabka dowlad deegaanka Kakamega ahna hogaamiye ku xigeenka xisbiga ODM Wycliffe Oparanya.
Mawduucyada ay madaxdu ka wada xaajoodeen waxaa ka mid ahaa, Saamaynta Covid-19 ee dalka, habeeynta dhaqaalaha, iyo muhiimadda ay leedahay ilaalinta nabadda, midnimada iyo wadajirka qaranka Kenya.
Dhanka kale madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta ayaa magaalada Mombasa ku qaabilay Ra’isul wasaaraha wadanka Somalia Mohamed Hussein Rooble.
Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa dalkani Kenya ay uga bilaabatay booqasho rasmi ah isagoona la filaya in heshiisyo ay isla gaaraan madaxweyne Uhuru Kenyatta.