DHAGEYSO:Maamulka gobolka Banaadir oo joojiyay dhaqdhaqaaqyada dhulalka la xiriira

0
466

Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Cumar Maxamed Maxamuud Cumar Filish ayaa soo saaray Wareegto la ogaysiiyay dhamaan Qaybaha iyo waaxyaha dhulalka ku shaqada leh oo lagu Joojiyey dhaqdhaqaaqyada dhulalka ka dib Cabasho Ka timid bulshada ku nool Caasimadda Muqdisho.
Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir ayaa Warbaahinta u akhriyay wareegtada maamulka gobolka ka soo baxday wuxuuna sheegay in baaritaano dhab ah lagu samaynayo cabashooyinka dhanka dhulalka ah ee Maamulka soo gaaray.