Dibadbax ka dhacy ismaamulka Embu oo ay 2 qof ku dhinteen

0
452

Ciidamada booliska ayaa laba qof toogasho ku dilay dowlad deeganaka Embu kuwaas oo ka qeyb qaadanayay dibadbax ka dhacayay degmada Kianjokoma.
Dibadbaxan maanta ka dhacay Embu ayaa looga soo hor jeeday laba wiil oo walaalo ah meydadkooda laga helay qolka meydadka la dhigo ee isbitaalka heerka shanaad ee ismaamulka Embu, ka dib markii saddex cisho ka hor la xiray iyagoo lagu eedeeyay inay jebiyeen xeerarka a Covid-19.
Waxaa labada wiil lagu magacaabi jiray Benson Njiru iyo Emmanuel Mutura .
Waxaa markiii ugu dambeysay lagu arkay iyagoo badqaba magaalada Kianjokoma ee dowlad deegaanka Embu habeenimadii Axadda ka dib markii boolisku ay xireen iyagoo bannaanka jooga saacadaha bandowga.
Banaanbaxa looga soo horjeedo dhimashada labada wiil oo walaalaha ah waxaa ku dhaawacmatay 2 qof.
Labadii qof ee kale eek u dhimatay dibadbaxaas ayaa meydadkooda la geeyay qolka meydadka la dhigo ee isbitaalka heerka shanaad ee ismaamulka Embu.
Mamaulka madaxa banaan ee Kormeerka ku sameeya hawlaha booliska ee dalka IPOA ayaa baaritaan ku bilaabay dhacdada lagu dilay labada wiil ee walaalaha ah.