DHAGEYSO:Maxkamadda Ciidamada oo xukun ku riday askar dil & dhaawac geysatay

0
444

Maxkamada darajada kowaad ee ciidamada qalabka sida qeybta 27aad ayaa xukuno kala duwan ku riday, eedaysanayaal ka tirsan ciidamada dowlada oo dil iyo dhaawac Degmada Baladxaawo ugu geystay dad shacab ah.
Ragga xukunka lagu riday ayaa waxaa lagu kala Magacaabaa Dable NISA Mahdi Maxamed Cali, Dable NISA Cabdullaahi Xasan, Dable NISA Maxamed Cusmaan Cabdi, waxana lagu eedeeyay inay Shaqadooda ka tageen kadibna ay isku rasaaseeyeen bartamaha degmada Beled-Xaawo ee Gobolka Gedo.
Xukunsanaha Koowaad ee Dable NISA Mahdi Maxamed Cali waxa sigaar ah loougu helay in uu dilay nin lagu Magacaabi jiray Garaad Maxamed Cali una isticmaalay maandooriyaha Xashiishka.
Xeer ilalinta Maxkamadda Ciidamada ayaa raggaas ka tirsan Ciidanka NISA kusoo oogtay Maxkamadda, waxaana ugu dambeyn laguriday xukuno kala duwan, sida uu ku dhawaaqay sida uu ku dhawaaqay Gudoomiyaha Maxkamada darajada kowaad ee ciidamada qalabka sida qeybta 27aad, waxaana lagu kala xukumay.