Wasiirka Wasaarada gadiidka iyo duulista hawada Dowlada Federalka Soomaaliya Duraan Faarax ayaa dhagax dhigay Garoonka diyaaradaha Degmada galdogob ee gobolka Mudug.
Masuuliyiinta deeganka iyo Waxgaradka ayaa soo dhaweeyay Talaabada uu qaaday Wasiirka Wasaarada gaadiidka iyo Duulista Hawada Dowlada Fedraalka Soomaaliya oo dhagacdhigay Garoonka Diyaaradeed ee laga Hirgaliyay Magaalada Galdogob ee Gobolkaasi Mudug.
Maareeyaha Hay’ada Duulista Hawada Dowlada Soomaaliya iyo Maareeyaha Garoomada Puntlanad ayaa sheegay in shaqadaan lagu guulaysan doono ayadoo isla Xisaabtan dhinacyo badan leh la Samaynayo.
Sidoo kale wasiirka wasaarada Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya ayaa sheegay inaysan noqon doonin dhagaxdhig bas ah balse shaqada loo baahan yahay iyo baahida jirta ay diirada Saarayaan.