Wasiirka wasaaradda tacliinta ee dalka Prof. George Magoha ayaa sheegay in la soo saaray lacag dhan 17.47 bilyan oo shilin taasoo loogu tala galay dugsiyada dowliga ah.
Dhaqaalahan ayaa la adeegsan doonaa xilli dugsiyeedka koowaad ee sanadka 2021 .
Magoha ayaa carrabka ku adkeeyay in 2.62 bilyan oo lacagtan ka mid ah lagu wareejinaya dugsiyada hoose dhexe halka 14.85 bilyan ay isticmaalayaan dugsiyada sare ee dalka.
Wasiirka ayaa dhanka kale maamulayaasha dugsiyada ku amray in aynan ardayda ka qaadin qarashaad ka badan qiimaha rasmiga ee ay dowladdu jaangooysay maadaama la yareeyay tirada toddobaadyada ay dugsiyadu shaqeynayaan.
Mudadan ayaa horay ahayd 39 toddobaad balse waxaa lagu soo reebay 30 taasoo keentay in la dhimo qarashaadka waxbarashada si waalidiinta looga fududeeyo culeyska.