Afhayeenkii hore wakiillada golaha hoose ee Wajeer oo geeriyooday

0
645

Afhayeenkii hore wakiillada golaha hoose ee ismaamulka Wajeer Bishaar Cumar Xuseen ayaa lagu soo warramayaa inuu geeriyooday.
Waxaa geeridiisa ka tacsiyeeyay barasaabka dowlad deegaankaasi Axmad Cali Muktaar iyo xildhibaanka deegaanka Ceeldaas Aadan Keynaan Wehliye.
Waxaa ay dhamaantood tacsi u direen qoyskii uu ka baxay iyo shacabka ismaamulka Wajeer.
Waxaa ay ku sifeeyeen inuu ahaa shakhsi ay ka go’aneyd u adeegida shacabka Wajeer islamarkaana la tabi doono.
Waxaa uu soo noqday afhayeenkii ugu horreeyay ee golaha hoose ee dowlad deegaanka Wajeer intii u dhaxeysay sanadihii 2013-2017-kii.
Sidoo kale waxaa uu ahaa madaxii shaqaalaha ee xafiiska guddoomiyihii hore ee ismaamulka Wajeer Maxamad Cabdi Maxamuud.
Ilaa iyo hadda ma cadda xanuunka uu u geeriyooday.