Wasiirkii caafimaadka ee dowlad deegaanka Kisumu Prof. Boaz Nyunya ayaa lagu soo warramayaa inuu geeriyooday.
Waxaa uu maanta ku dhintay isbitaal ku yaalla magaala madaxda wadanka ee Nairobi.
Guddoomiye ku xigeenka dowladda ismaamulka Kisumu Mathew Owili ayaa xaqiijiyay geerida Boaz.
Waxaa uu intaa ku daray inuu mas’uulkan xanuunsaday xilli uu howlo shaqo u joogay Nairobi.
Owili ayaan faahfaahin dheeraad ah ka bixin xanuunka laga daweeynayay wasiirka caafimaadka ee Kisumu ee uu u geeriyooday.