DHAGEYSO:Jubaland oo Soo saartay Amaro amaanka lagu sugayo

0
262

Kadib kulan ay yeesheen Saraakiisha Ciidamada Amaanka ee Maamul Goboleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland iyo kuwa AMISOM ayaa waxaay kasoo saareen Go’amo la xiriira amniga gaar ahaan sidii loo sugi lahaa Nabadgalyada goobaha ay ka dhacayaan doorashooyinka Xildhibaannada Aqalka Sare ee Soomaaliya oo lagu wado inuu maanta ka bilowdo Magaalada Kismaanyo ee Xarunta gobolka Jubada Hoose.
Kulankaan ka dhacay Magaalada Kismaayo ayaa waxaa laga soo saaray Go’aamo dhowr ah oo dhanka Amniga Sugidiisa la Xariira kuwaasoo badankooda la faray Saraakiisha kala duwan iyo Ciidamada Mamul Goboleedka Jubbaland.
Wasiirka Amniga Jubbaland Yuusuf Cismaan Dhuumaal ayaa faray laamaha Amniga Jubbaland inay u diyaar garoobaan Sugida amniga doorashooyinka, isla markaana dib u habeyn lagu sameeyo goobaha ay ka dhacayaan doorashooyinka.
Sidoo kale waxaa uu sheegay in dib u habeyn lagu sameeynayo Goobaha laga soo galo magaalada Kismaayo iyo in askarigii ka tirsan Jubbaland ee aan u hoggansamo awaamiirta Madaxda tallaabo laga qaadi doono.

Go’aamada la xiriira Amniga ee kasoo baxay Masuuliyiinta Maamul Goboleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland ayaa waxaay kusoo aadayaan xilli Maanta lagu wado in Magaalada Kismaayo lagu qabto doorashada Xildhibaannada Aqalka Sare taasoo bilow u ah Doorashada Soomaaliya ee Sanadkaan 2021.