DHAGEYSO:Dowladda oo amar dul dhigtay xoolo dhaqatada Laikipia

0
285

Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha ee dalka Dr. Fred Matiang’i ayaa xoolo dhaqatada sida sharci darrada ah ku galay beeraha ismaamulka Laikipia u qabtay muddo toddobo cisho ah.
Waxaa uu sheegay in hadii aynan mudadan gudaheeda halkaasi iskaga bixi awood dowladeed looga saari doono.
Tani ayaa timid ka dib markii mulkiilayaasha beeraha ay cabasho ka muujiyeen in xoolo dhaqatada ay dhibaatooyin kala kulmaan.
Wasiirka ayaa carrabka ku adkeeyay in howlgalka amni uu noqon doono mid loo fuliyo si aan naxariis lahayn.
Waxaa uu xusay inay howlgalka ka qayb qaadan doonaan waaxyaha kala duwan ee amniga sida militariga iyo ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee loo yaqaano GSU-da.