Waxaa lagu wadaa maanta in Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose ay ka bilaabato diiwangelinta musharrixiinta u tartamaya Xildhibaannada Aqalka Sare ee Soomaaliya qaybta ka imaaneysa degaannada Maamulka Jubbaland.
Madaxweynaha maamulka goboleedka Soomaaliyeed Jubbaland ayaa Guddiga doorashooyinka u soo gudbiyay liiska 9 Xubnood oo kamid ah Musharrixiinta Aqalka sare, kuwaasoo Maanta diiwangelinta lagu bilaabayo.
Guddiga doorashooyinka Heer Maamul Goboleed ee Jubbaland ayaa shaaciyay in Maanta la diwaangelinayo Musharrixiinta Aqalka Sare, sidoo kalena ay bixinayaan lacagta diiwangelinta.
Guddiga ayaa ku dhawaaqay in kama dambeys berri ay Magaalada Kismaayo ka dhaceyso dooorashada Xildhibaannada Aqalka Sare.
Maamulka Jubbaland ayaa la filayaa inuu noqdo Maamulkii ugu horreeya ee bilaaba doorashada Xildhibaannada Aqalka Sare, iyadoo maamulada kale ee dalka aysan xilligaan u muuqan kuwo doorasho bilaabi kara ama ilaa iyo hadda Guda Galay arrimaha Doorashada marka laga Reebo Maamulka Koonfur Galbeed oo dhankooda Magacaabay guddiga Doorashada aqalka Sare.