Madaxweynaha wadanka Tunisia Kais Saied ayaa kala diray golaha xeer dejinta dalkaasi.
Waxaa uu sidoo kale xannibaad saaray howlaha baarlamaanka.
Hasa ahaate tallaabada uu qaaday ayaa waxaa dhaliilay siyaasiyiinta mucaaradka oo ku tilmaamay afgembi ay tahay in laga soo horjeesto.
Tani ayaa timid ka dib dibadbaxyo waawayn oo shalay ka dhacay magaalooyinka kala duwan oo ay dadweynaha ku dalbanayeen in baarlamaanka la jebiyo.
Dibadbaxayaasha oo ay ciidamada booliska ku kala eryeen sunta dadka ka ilimeysiisa ayaa dalbaday in xukuumadda wadankaasi ay is casisho maadaama aynan ku guulaysan xakameynta faafidda caabuqa corona sidoo kalena dhaqaalaha dalkaasi uu hoos u dhacay.