Madaxa xisbiga Wiper Kalonzo Musyoka ayaa sheegay inuu mudnaanta koowaad siinaya sidii uu sanadka 2022-ka uga guulaysan lahaa madaxweyne ku xigeenka dalka William Ruto.
Labadan siyaasi ayaa ka mid ah shakhsiyaadka doonaya inay qabtaan hoggaanka wadanka.
Xilli uu ku sugnaa ismaamulka Makueni ayuu carrabka ku dhuftay inuu si buuxda ugu diyaar garoobay ka qayb qaadashada loolanka siyaasadeed ee sanadka soo socdo.
Waxaa uu sheegay in cid kasta oo musharaxiinta ka mid ah ay xor u tahay inay guud ahaan wadanka ka sameyso ololaheeda .
Sidoo kale waxaa uu dhaliilay xeeladda siyaasadeed ee madaxweyne ku xigeenka wadanka oo uu ku sheegay mid fulinteedu aynan macquul ahayn.