DHAGEYSO:Puntland oo digniin u dirtay bulshada gobolka Mudug

0
483

Guddoomiyaha gobolka Mudug ee Maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland ayaa digniin culus u diray ganacsatada Al-Shabaab ku taageera dhaqaallaha iyo kuwa aan taageerin howlgallada Ciidamada amaanka ee ka socda gobolkaas oo looga soo horjeedo Al-Shabaab.
Guddomiyaha gobolka Mudug ee maamulka Puntland Cabdilatiif Muuse Nuur (Sanyare) ayaa sheegay in ganacsatada magaalada Gaalkacyo ay ka doonayaan inay qeyb ka noqdaan dagaalka ay kula jiraan Al-shabaab, isagoo ugu hanjabay ganacsadihii lacago baad ah siiya Al-shabaab inay tallaabo ka qaadayaan.
Waxaa uu sheegay in xaalad ammaanka ee Magaalada Gaalkacyo qeybta Puntland uu wanaagsan yahay tan iyo markii ay bilowdeen howgallada ka dhanka ah Ururka Al-Shabaab.
Gudoomiyaha ayaa sidoo kale iska difaacay eedeymo ku aadana inaysan caddaalad helin 18 qof oo dhawaan lagu toogtay Gaalkayco ka dib markii ay maxkamadu sheegtay in lagu helay danbi Al-Shabaabnimo.
Guddoomiyaha Gobolka Mudug ee Maamulka Puntland C/ladiif Muuse Nuur ayaa dhinaca kale sheegay inay xidddada u siibeen shabakaddii Shabaab u qaabilsaneyd magaalada Gaalkacyo taas baddalkeedana ganacsatada looga baahan yahay inay ka digtoonaadaan u hogaansanaanta awaamiirtooda.
Isagoo ugu danbayntii sheegay in dadka loo Xiro shabaabnimada iyo Danbiyada kale Xitaa aan loo ogolaanayn in la soo booqdo ama la isku dayo in Xabsiyada laga sii daayo.
Waalidiinta ku Nool Magaalada Gaalkacyo iyo si guud Gobolka Mudug ayuu ugu baaqay inay carruurtooda ilaashadaan ayna il gaar ah ku eegaan halka ay aadayaan ama cida ay la socdaan.