10,705 arday ah oo bangiga Equity ka helay deeq waxbarasho

0
466

Deeqda waxbarasho ee bangiga Equity oo ka mid ah bangiyada sida gaarka ah loo leeyahay ee dalka ayaa waxaa ka faa’iidaystay arday dhan 10,705 guud ahaan wadanka.
Ardaydan ayaa ka soo jeedo qoysas danyar ah waxayna dhameeyeen dugsiyada hoose dhexe ee dalka.
Madaxa fulinta ee bangiga Equity Dr. James Mwangi ayaa magaalada Nanyuki ee ismaamulka Laikipia ka sheegay in ardaydan oo ku biiraya dugsiyada sare laga bixin doono qarashaadka waxbarashada, hooyga, gaadiidka iyo dhaqaale ay ku dabbari karaan waxyaabaha ay u baahan yihiin.
Waxaa uu sheegay in codsiyada la soo dirsaday ay ahayeen 114,000.
Dowladda dhexe ayuu uga mahadceliyay inay lacag la’aan ka dhigtay waxbarashada dugsiyada sare ee aan lahayn qaybaha jiifka.
Dr. Mwangi ayaa xusay in ismaamulka Laikipia keliya 74 arday ah ay ka faa’iidaysanayaan barnaamijka Wings to fly .