Guddiga xallinta Khilaafaadka gobolka Gedo oo Kismaanyo gaaray

0
325

Guddiga Xalinta Khilaafaadka gobolka Gedo ayaa maanta gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta ku meel gaarka Maamulka Jubbaland, kadib markii maalmihii la soo dhaafaya ay ku sugnaayeen degmada Garbahaareey.
Guddiga oo ka kooban wasiiro ka kala socda Maamul Goboleedyada Puntland, Galmudug, Koonfur Galbeed, iyo Hirshabeelle ayaa Magaalada Kismaayo u tegay si ay ula kulmaan masuuliyiinta iyo Maamulk Jubbaland, Odayaasha dhaqanka, siyaasiyiinta iyo wax garadka kaso jeeda Gobolka Gedo ee ku sugan Kismaayo.
Guddiga ayaa markii ay ka dageen garoonka diyaaradaha ee magaalada Kismaayo,loo gudbiyay madaxtooyada Jubbaland halkaasoo ay kulan kula yeesheen madaxwayne ku-xigeenka koowaad ee Jubbaland Maxamuud Sayid Aaden.
Kulanka ayaa isugu jiray soo dhaweyn iyo kala war qaadasho, waxaana uu guddigu ugu horreyn ka warbixiyay waxyaabihii u qabsoomay mudadii ay ku sugnaayeen magaalada Garbahaarrey ee xarunta Gobolka Gedo.
Guddigaan ayaa warbixin ka dhagaystay madaxwayne ku-xigeenka koowaad ee Jubbaland, waxaa ka siiyay marxaladihii ay soo martay Jubbaland iyo sidii ay dadaal dheer ugu galeen xal ka gaarida arrimaha Gobolka Gedo.