Saraakiisha waaxda dambi baarista ee dalka ayaa gacanta ku dhigay tuhmane la la xiriirinayio inuu jabsaday qayb ka mid ah macluumaadka guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudada dalka ee IEBC.
Eedeysanaha oo lagu magacaabo Kiprop ayaa la sheegay inuu galaangal ku yeeshay xogta IEBC uuna helay macluumaadka dad gaaraya 61,617 codbixiyeyaal oo ka diiwaan gashan ismaamullada galbeedka dalka.
Waxaa laga soo qabtay deegaanka Juja ee ismaamulka Kiambu.
Agaasinka waaxda dembi baarista dalka ee DCI-da ayaa sheegay in Kiprop la rumeysan yahay inuu qab farsameysan uu wax u jabsan jiray isagoo adeegsanaya aalado eleektaroonik ah.
Macluumadka ee qalabka elektarooniga ee uu watay eedeysanaha ayaa waxyaabaha laga helay waxaa ku jira magacyada codbixiyayaal diiwaangashan, kaarkooda aqoonsiga qaranka iyo taariikhda dhalashada.
Eedeysnaha oo la rumeysan yahay inuu horay uga soo shaqeeyay mid ka mid ah shirkadaha taleefannada gacanta ee dalka ayaa boorsad u watay laga dhax arkay kaararka SIM-kaarka oo ay leeyihiin shirkadaha isgaarsiinta ee kala ah Safaricom, Airtel iyo Telcom.
Xariggiisa ayaa waxaa si wada jir ah ah isaga kaashasday waaxda DCI-da iyo shirkadda isgaarsiinta ee Safaricom kadib markii eedeynaha lacag aan la cayimin ka dhacay mid ka mid xarumaha Mpesa-da.