Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha ee dalka Dr. Fred Matiang’i ayaa wargeyska rasmiga ee dowladda ku shaaciyay in maalinka Talaadada ee toddobaadka dambe 20-ka bishan ay tahay maalin fasax ah.
Waxay micnaheedu tahay in maalinkaasi laga nasanaya shaqooyinka si muslimiinta ku nool gudaha wadanka ay ugu dabaal degaan munaasabadda ciidul adxaa.
Qoraalkan ayaa la soo dhigay barta rasmiga ee Twitter-ka wasaaradda arrimaha gudaha iyo isku duwidda howlaha qaranka.