War-Saxaafadeed kasoo baxay dowladda Fedraalka Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay in dowladdu ogaatay in dad isugu jira Soomaaliya iyo dalal shisheeye ay doonayeen inay dalka Soomaaliya soo geliyaan hub sharcio darro ah.
Qoraalka dowladda Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay in dowladda ay leedahay nidaam adag iyo habraac sugan oo loo maro soo gelitaanka hubka illaa meesha uu ka yimaaddo illaa barta ugu dambaysa ee lagu kaydiyo.
War-Saxaafadeedka ka soo baxay Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay xogo muhiim ah ku heshay in hay’ado ajanebi ah, waddamo shisheeye iyo dad Soomaali ah oo isbahaysta ay maalmahan isku deyeyeen inay hub culus iyo rasaas sharci darro ah soo geliyaan Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya, iyadoo aan haba yaraatee waxba lagala socodsiin, ogolaanshana aan laga haysan hay’adaha kala duwan ee Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya.
Dowladda Federalka Soomaaliya qorshahan la rabay in Dalka lagu soo geliyo hub sharci darro ah iyo wax kasta oo khalkhal gelinaya nabadda iyo xasiloonida Dalka waxay sheegtay inay u aragto duulaan lagu soo qaaday madaxbanaanida iyo xasiloonida Dalka,Mowqif adagna ay iska taagayso.
Xukuumadda Federalka Soomaaliya waxay sheegtay inay baaritaan ku haysaa hubkaas culus iyo rasaastaas sharci darrada ah ee Dalka la soo gelinaya, meesha loo waday, meesha laga soo dhiibay iyo ujeedka laga lahaa.
Telefeshinka Qaranka Soomaaliya ayaa sidatan daqiiqado ka hor looga baahiyay warka ku saabsan Hubka sharci darrada ah ee dowladda Soomaaliya ay Gacanta ku dhigtay.
Home Wararka Soomaaliya DHAGEYSO:Dowladda Soomaaliya oo sheegtay inay ka hortagtay hub sharci darro ah oo...