Gudiga IEBC oo bilaabay tirinta codadka dooarshdii maanta ka dhacday deegaanka Kiambaa

0
393

Waxaa deegaanka Kiambaa ee ismaamulka Kiambu gobolka bartamaha dalka ka dhacday doorasho ku celis ah ka dib geeridii bishii saddexaad ee sanadkan ku timid Paul Koinange oo halkaasi xildhibaan ka ahaa.
Waxaa codkooda dhiibtay ilaa 96,000 qof.
Ila 8 musharax ayaa ku loolamaya kursigan banaan.
Musharraxiinta tartamaya ayaa kala ah Kariri Njaama (Jubilee) Njuguna Wanjiku (UDA), Evans Gichia PPK, Karomo Muchungi (FPK), David Mugo (madax bannaan), Wanjiru Muthaka (PNU), Ngugi Njoroge oo matalaya TND iyo Willie Mbugua .
Dhanka kale guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudada ee IEBC ayaa loogu baaqay inuu codeynta u maareeyo si cadaalad ah.
Waxaa uu tartanka ugu adag ka dhexeya xisbiyada Jubilee iyo UDA iyadoo dadka falanqeeya arrimaha siyaasadda ay sheegayaan in natiijada soo baxdo ay saadaal u noqon karto mustaqbalka siyaasadeed ee bartamaha Kenya.
Gudiga madaxa banaan ee doorashooyiinka dalka ayaa caawa bilaabay tirinta codadka iyadoona tan ilaa iyo saqda dhexe ee caawa la ogaan karo musharaxa ugu cad cad kursigan .