Taliyaha ciidanka dhulka Soomaaliya oo gaaray deegaan ay Shabaab sheegteen inay la wareegeen

0
473

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga dalka Soomaaliya Jeneraal Maxamed Tahliil Biixi iyo Saraakiil uu hoggaaminayay ayaa kormeeray tuulada Dheghaye oo hoostagta degaanka Wisil ee Mudug halkaasoo ay shabaabku sheegteen inay la wareegeen.
Kormeerka Saraakiisha Ciidamada Xooga Soomaaliya ayaa yimid kadib Markii Deeganka ay sheegteen Al-shabab inay la wareegeen Gacan ku hayntiisa, kadib markii ay isaga baxeen Ciidamada dowladda Soomaaliya sida ay warka u dhigeen.
Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Soomaaliyeed Jeneraal Maxamed Tahliil Biixi iyo saraakiisha la socota ayaa socod ku maray xaafadaha degaanka Dheghaye iyo banaanka degaankaas oo ay Saldhigo ku leeyihiin Ciidamada Xoogga Soomaaliya.
Taliye Biixi oo kulan gaar ah la qaatay saraakiisha Ciidamada ayaa beeniyay inay deegaankaan la wareegeen Al-Shabaab, wuxuuna saraakiisha faray inay xaqiijiyaan amniga deegaanka kana hortagaan dhagarta Al-Shabaab.
Deegano badan oo ka tirsan Koonfurta Gobolka Mudug ee Bartamaha Soomaaliya oo Bacaadweyne iyo Wisil ay ka mid yihiin ayaa waxaa dhawaan ka dhacay dagaalo xoogan oo u dhaxeeyay Ciidamada dowlada Soomaaliya iyo Al-Shabaab waxaana jira Guluf AL-shabaab ka dhan ah oo ka socda deegaanada ay koonfurta Gobolka Mudug uga sugan yihiin halkaasoo Meelaha qaar ay iska kaashanayaan Ciidamada amaanka labada Maamul ee Galmudug iyo Puntland.