Xafiiska Xuquuqul Insaanka ee Somaliland ayaa qoraal ay ku baahiyeen twitter-ka waxay ku sheegeen inay aad uga xunyihiin kufsi iyo dil loo geystay lagu Magacaabi jiray Hinda Cumar oo ku noolayd Magaalada Hargeysa..
Gabadha la kufsaday kadibna la dilay ayaa markii ay musiibadaan ku dhacaysay waxaa la sheegay inay saarnayd basaska dadweynaha ee ka dhex Shaqeeya Xaafadaha Magaalada Hargeysa.
Warbaahinta deegaannada Soomaaliland ayaa sheegtay in qoyska Marxuumad Hinda Cumar ay Xaqiijiyeen in meydka markii hore lagu sameeyay baaritaan, kadibna la ogaaday in la kufsaday ka hor inta aan la dilin, falkaasi oo dhacay shalay gelinkii hore.
Xafiiska Xaquuqul Insaanka Soomaaliland ayaa walaac ka muujiyay falalka kufsiga ee sii kordhaya waxayna sheegeen in Somaliland ay aad ugu yartahay wacyigelinta la xiriirta kufsiga, sidoo kalana aysan jirin isla xisaabtan dhab ah.
Dhowr jeer ayaa waxaa degaano kamid ah Soomaaliland waxaa ka dhacay kufsi iyo dil loo geystay Gabdho yar yar, waxaana ilaa iyo hadda jirin dad falkaasi loo maxkamadeeyay sidoo kale Sanadihii ugu danbeeyay Guud ahaan dalka Soomaaliya waxaa ku Soo badanayay gabdhaha la kufsanayo kadibna la dilayo.
Home Wararka Soomaaliya Guddiga xuquuqul innsaanka Soomaaliland oo ka hadlay gabadh Kufsi iyo dil Hargaysa...