Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta Qaranka,Maalgahsiga iyo hormarinta dhaqaalaha Soomaaliya Jamaal Maxamed Xasan ayaa sheegay in hay’addaha ka shaqeeyaa gudaha dalka ay sanadkii tagay kala hishiiyeen inay isticmaalaan bankiga dalka lana rabo hadda in lagula xisaabtamo dhaqan galinta hishiiskaasi sidoo kale lagu adkeeyo sida Soomaalida loogu xoojiyo inay isticmaalaan bankigayada dalka.
Wasiir Jamaal waxa uu sheegay in kaliya lacagaha dalka soo gala aysan lahayn Soomaali hase ahaatee ay jiraan hay’ado mashaariic ka fuliya Gudaha wadanka sida lagu ogaaday lacag ka badan labo bilyan oo doolarka Mareykanka oo soo gasha dalka sanadka kasta kuwaas oo u baahan in la ogaado halka la mariyo iyo sida loo maareeyo .
Waxaa kale u sheegay in hadii aan lala xisaabtamin lacagahaan iyo waxyaabaha ku xeeran laga yaaba in dhaqaale badan uu ka Lumo Nidaamyada dowladda iyo shruucyada lagu hago dalka.
Waxaa uu sidoo kale Tilmaamay inay diyaariyeen barnaamij lagula soconayo lacaga doolarka ee soo galo gudaha dalka Soomaaliya halka lagu haayo iyo waxyaabaha lagu qabto.
Dhanka kale Guddoomiyaha bangiga dhexe ee Soomaaliya Cabdiraxmaan Maxamed ayaa sheegay inay Muhiim tahay Ilaalinta iyo ka taxadarka dhaqdhaqaaqyada Maaliyada iyo qulqulka lacagaha ayadoo looga gaashaamanayo danuubta lacagaha lagu galo.
Hadalkaan ayuu guddoomiyaha Bangiga dhexe ee Soomaaliya ka sheegay shirweynaha wadatashiga Khataraha dhaqaalaha oo shalay ka furmay Magaalada Muqdisho.