Wasiirkii hore ee Wasaaradda Warfaafinta Dowladda Soomaaliya kana mid ah xildhibaannada golaha shacabka dalkaasi Maxamad Cabdi Xayir (Maareeye) ayaa sheegay in dowladda dhexe & Maamul Goboleedyada ay ku heshiiyeen wax aysan qayb ka ahayn Xubnaha Matalaya Gobollada Waqooyi arrintaas oo ay u arkaan inay tahay mid lagu boobayo kuraastooda siduu hadalkiisa u dhigay.
Maxamad Cabdi Xayir Maareeya ayaa sheegay in shirkii heshiiska looga garay arrimaha doorashoyinka Soomaaliya ay aheyd inay ka qeyb galaan siyaasiyiinta Gobollada Waqooyi balse loo diiday sid auu sheegay, taasina ay keentay in siyaasiyiin qaarkood ay dib ugu laabtaan degaannada Somaliland.
Waxaa uu sheegay in sida hadda wax lagu wado ay buuq u keeni karto doorashada dalka Soomaaliya ee loo balansan yahay.
Home Wararka Soomaaliya DHAGEYSO:Wasiirkii hore ee warfaafinta Soomaaliya oo dowladda eedaymo u jeediyay