DHAGEYSO:Dowladda Soomaaliya oo abaalmarin guddoonsiisay guddigii toddobaadka xorriyadda

0
389

Waxaa Magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya lagu Qabtay Munaasabad Kooban oo loogu Mahadcelinayay shahaadooyina lagu guddoonsiinayay Guddigii dowladda Soomaaliya u Xil saartay Agaasinka Toddobaadka Xorriyadda ee Sanadkaan 2021-ka.
Ra’iisul wasaare ku Xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamad Guulleed Qadar ayaa sheegay in dowladnimada iyo madaxbanaanida wadanka dhiig badan u soo daatay sidaas darteedna la doonayo in dhexda loo Xidho ilaalinta Gobonimada oo ah waxa ugu weyn ee jiritaanka Qaran Madax Banaan.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiisa Soomaaliya Cismaan Abuukar Dubbe ayaa dhankiisa sheegay in Guddiyadii ka shaqeeyay munaasabadaha xorriyadda ay qabteen shaqo la yaableh oo ka muuqatay dalka guud ahaan gaar ahaan Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho.