Wakiilka QM ee Soomaaliya oo gaaray magaalada Dhuusamareeb

0
734

Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Maamulka Galmudug ayaa waxaa Maanta gaaray Ergeyga Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaah dalka Soomaaliya Amb, James Swan, waxaana soo dhaweeyay Madaxweyne kuxigeenka Galmudug Cali Daahir Ciid iyo Masuuliyiin kale oo maamulkas ka tirsan.
Xarunta Madaxtooyada Galmudug ee Dhuusamareeb ayaa la geeyay wakiilka Qaramada Midoobay ee Arrimaha Soomaaliya Amb, James Swan iyo wafdiga la socday, waxaana uu halkaasi kulan kula leeyahay Madaxweynaha Galmudug & kuxigeenkiisa.
Ergeyga Qaramada Midoobay ayaa maalmihii la soo dhaafay waxaa uu waday dadaalo uu ku raadinayo in xal loo helo muranka doorashada Soomaaliya waxana uu garoowe & Baydhabo kula kulmay Madaxweynayasha labada Maamul goboleed Koonfur Galbeed iyo Puntland halka Axmed Madoobe & xubnaha Midowga musharixiinta ay yeesheen kulan dhinaca khadka Internet-ka ah.
Wakiilka Qaramada Midoobay ee Arrimaha Soomaaliya Amb, James Swan ayaa waxaa sidoo kale la filayaa in maalmaha soo socda uu la kulmo qaar kamid ah saamileyda siyaasadeed ee Soomaaliya, si xal loogu helo muranka doorashooyinka Hareeyay.
Xubnaha Beesha Caalamka ee taageerada siiya Soomaaliya ayaa waxaay wadaan dadaalo ku aadan sidii dalka ay kaga dhici laheyd doorasho hehsiis lagu yahay, isla markaan dhinacyada Soomaalida ay ka heshiiyaan muranka hareeyay doorashooyinka qaranka.