Shacabka Trans Nzoia oo boqolkiiba 60 la gaarsiiyay adeegga korontada

0
405

Dowladda dhexe ayaa sheegtay in xiriirinta adeegga korontada ee ismaamulka Trans Nzoia ay gaartay boqolkiiba 60 halka sanadkii 2013-kii ay ahayd boqolkiiba 21.
Shirkadda korontada ee dalka ayaa xustay in ay sameysay maalgelin ballaaran oo dhanka adeeggan ah.
Elizabeth Rogo oo xubin ka ah shirkadda Kenya Power ayaa arrinkan ka hadashay xilli ay ismaamulkaasi ku daahfurtay barnaamij lagu qarash gelinaya 20.4 milyan oo shilin.
Waxay carrabka ku adkeysay in dadweynaha oo laga haqabtiro adeegyada korontada ay wax wayn ka beddelayso noloshooda maadaama uu jiraya sare u kac dhanka wax soo saarka ah.