Kumanaan ka mid ah dadweynaha dalka Cuba ayaa ka qayb qaadanaya dibadbaxyo ka dhan ah dowladda wadankaasi.
Shacabka oo ku dhawaaqaya ereyo ay ka mid tahay xurriyad ayaa madaxweyne Miguel Diaz-Canel ka dalbaday inuu is casilo.
Mudaharaadyada ayaa ka dhacay magaalooyinka Havana iyo Santiago waxaana lagu tilmaamay kuwii ugu waynaa ee halkaasi ka dhacay tobaneeyo sano.