5 qof oo lagu dilay weeraro aargoosi oo ka dhacay Baringo

0
479

Maamullada ammaanka ee ismaamulka Baringo ayaa xaqiijiyay in la dilay 5 qof iyadoo la xaday xoolo ka dib weerar aargoosi ah oo la gaystay.
Iskudhacyada ayaa bulshooyin xoolo dhaqato ah ku dhex maray aagga loo yaqaano Kerio Valley .
Hal qof oo kale ayuu soo gaaray dhaawac culus waxaana ilaa iyo hadda caddeyn tirada rasmiga ee xoolaha halkaasi laga kaxeystay.
Labadii toddobaad ee ugu dambeeyay 12 qof ayaa naftooda ku waayay dagaal beeleedyada Baringo.
Guddoomiyaha dowladda dhexe u qaabilsan ismaamulka Elgeyo Marakwet Axmad Cumar ayaa sheegay in weerarka ay soo qaaday burcad ah in ka badan 100.
Wararka qaar ayaa sheegaya in xoolaha la dhacay ay yihiin in ka badan 200 oo neef oo lo’a ah iyo 60 ari ah.