DHAGEYSO:Kalonzo iyo Mudavadi oo ku gacan seyray in NASA dib loo soo dhiso

0
458

Hoggaamiyaasha xisbiyada Wiper iyo ANC ee kala ah Kalonzo Musyoka iyo Musalia Mudavadi ayaa ka soo horjeestay hadal dhawaan uu jeediyay madaxa xisbiga ODM Raila Odinga.
Mr. Odinga ayaa wareysiyo uu bixiyay ku sheegay inuu siyaasiyiintan kala hadli doono sidii ay mar kale dib ugu midoobi lahayeen si loo xoojiyo isbeheysigii ay ka wada tirsanayeen ee NASA.
Mr. Musyoka iyo Mr. Mudavadi ayaa labaduba sheegay in taasi aynan suurtagal ahayn.
Waxay carrabka ku dhufteen in aynan jirin cid og inay sanadka soo socdo ku guulaysan doonto madaxtinimada wadanka iyo in kale sidaas awgeedna aan loo baahnayn in la muujiyo cabsi ah hadii aynan midoobin in la guul dareysanaya .
Arrimahan ayay ka hadleen maanta xilli ay ku sugnaayeen kaniisado ku kala yaalla ismaamulka Nairobi iyadoo ay dhanka kale guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudada wadanka ee IEBC ay ka dalbadeen inuu codeynta sanadka 2022-ka u maareeyo si ay cadaalad ku dheehan tahay.