Booliska Soomaaliland oo gacanta ku dhigay Nin dil Gaystay

0
354

Ciidamada Booliska Somaliland ee ka howlgalla Magaalada Burca ee Xarunta gobolka togdheer ayaa waxay sheegeen inay howlgal ay sameeyeen ay u suurtogashay inay gacanta ku Soo dhigaan Nin Oday ah oo ku eedaysan inuu Nin kale ku dilay Bartmaha Suuqa magaalada Burco.
Ninka dilka geystay oo Magaciisa lagu sheegay Mustafe Axmed Cali ayaa Booliska Gobolka Togdheer waxay sheegeen in dhowr xabadood oo bustoolad ah uu ku dhuftay Ninkale oo lagu magacaabi jiray Cumar Cabdi Faarax.
Taliyaha Ciidamada Booliska Somaliland ee Gobolka Togdheer Maxamed Faarax Nuur ayaa Warbaahinta u sheegay in ninka Odayga ah ee dilka geystay oo isku dayayay inuu baxsado ay Ciidamada Ammaanka qabteen kadib howlgal ay Sameeyeen.
Waxaa uu intaas ku daray in Ciidamada Booliska ay Ninkasi ku wareejiyeen Maxkamadda Gobolka Togdheer si cadaaladda loo marsiiyo, isagoo sheegay inaysan maranaba aqbali doonin falalka amni darrada ah ee ka dhacay Magaalada Burco iyo deegaanada kale ee ku heeran.
Magaalada Burco ee Xarunta Gobolka Togdheer ayaa todobaadyadii la soo dhaafay waxaa ka dhacay dilal kala duwan, waxaana Ciidamada Booliska Soomaaliland ay sheegeen inay kordhinayaan howlgallada si ay uga hortagaan falalka amni darro ee magaalada ka dhaca Mararka qaar.