Maxkamadda Darajada koowaad ee ciidamada Qalabka sida ee Gobolada Mudug iyo Cayn ee Puntland ayaa maanta dil toogasho ah ku xukuntey 8 rag oo la sheegay inay ka tirsanaayeen Al-Shabaab.
Sida ay sheegtay maxkamadda, raggan ayaa ku eedeysnaa inay ahaayeen koox dilal iyo qaraxyo ka geeysan jiray magaalada Galkacyo gaar ahaan dhinaca Galmudug.
Garsooraha Maxkamadda ayaa sheegay in kadib markii loo helay cadeeymo raggaan iyo markhaatiyal lagu riday xukun dil toogasho ah, hayeeshee ay heystaan inay racfaan ka qaataan Xukunka.
Puntland ayaa todobaadkii hore waxaa ay xukun dil toogasho ah ku fulisay 21 rag ah, kuwaas oo 18 kamid ah toogashadooda ka dhacday Magaalada Gaalkacyo halka Saddexda kale lagu kala toogtay Magaalooyinka Garoowe iyo Qardho.