Ra’iisul Wasaraha xukuumadda xilgaarsiinta Soomaaliya Maxamad Xuseen Rooble & Wafdi uu hoggaminayo ayaa Maanta waxay gaareen Magaalada Kismaayo ee xarunta kumeel gaarka maamulka Jubaland, halkaasoo uu ku soo dhaweeyay Madaxweynaha Maamulkaasi.
Ujeedka Safarka ayaa la sheegay sidii dib u heshiisiin looga sameyn lahaa khilaafka gobolka Gedo, Safarka Ra’isul Wasaaraha ayaa sidoo kale qeyb ka ah dardargalinta hannaanka doorashada wadanka.
Rw Rooble ayaa sidoo kale maalinta Jimcaha ah la filayaa inuu gaaro xarunta gobolka Gedo ee Magaalada Garbahaarey, waxaana gobolka Gedo maamulkiisa muddo dheer isku hayay dowladda dhexe iyo maamulka Jubaland.
Waxaa uu dhawaan magacaabay guddiga dib u heshiisiin gobolka Gedo, kaasoo aysan ku jirin xubno ka Socda Maamulka Jubaland.
Waxaa uu sidoo kale dhagax dhigi doono mashaariic dhowr ah oo dowladda Federalku ka fulineyso magaalada Kismaayo iyo deegaano kale oo ka tirsan Maamulkaasi .
Waa safarkii ugu horreeyay ee Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble uu ku tago deegaanada Maamulka Jubaland tan iyo markii Xilka loo Magacaabay.
Dhanka kale Wararka ka imaanaya Degmada Doollow ee Gobolka Gedo ayaa waxay sheegayaa in israsaaseyn ay dhex-martay Ciidamo Dowlada ka Wada Tirsan.
Goobjoogayaal ayaa warbaahinta Gudaha u sheegay in dagaalkaas uu ku dhaawacmay Taliyaha Ciidanka Nabad sugida Doolow oo Magaciisa lagu sheegay Xasan Cibaad iyo hal askari oo ka tirsan ilaaladiisa.
Kadib iska Hor imaadkaas ayay wararku sheegayaan in xaalada ay sidii caadiga ahayd ku soo noqotay, lamana oga sababta ka dambeeysa iska Hor imaada ka dhexmaray Ciidamadaas Dowlada ka wada Tirsan.