Wasiirka caafimaadka oo baaq u diray ismaamullada

0
399

Wasiirka wasaaradda caafimaadka ee dalka Mr. Mutahi Kagwe ayaa sheegay inay aad muhiim u tahay in dowladaha ismaamullada ay sare u qaadaan awoodooda ay kula dagaalamayaan cudurka COVID19.
Kagwe ayaa xusay in mas’uuliyiinta dowlad deegaanada laga doonayo in ay xal u helaan caqabadda ah in bukaanka uu saameeyay caabuqa loo soo wareejiyo caasimadda dalka.
Qorshaha dowladda waxaa qayb ka ah in ismaamul kasta uu yeesho ugu yaraan 300 oo ah sariiraha lagu seexiyo bukaanada ay xaaladooda caafimaad liidato.
Hasa ahaate arrinkan ayaan weli si dhameystiran loogu guulaysan waxayna ka mid tahay caqabadaha ku hor gudban in Kenya ay ka guulaysato xanuunkan.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo ilaa iyo hadda 3,697 qof ay gudaha Kenya ugu dhinteen COVID19.