Toddoba sanno ka dib markii lagu helay eedeymo ah inuu soo xadhay in ka badan 200 oo kabaha haweenka ah, ayaa nin Japanese ah mar kale la arkay isagoo 139 kabaha dumarka ah si qarsoodhi ah ku soo qaatay.
10-kii bishii Juun, ka dib hawlgal ay booliska Murakami, ee Japan ka sameeyeen guriga nin maxalli ayay ku soo bandhigeen arrin aan caadhi ahayn oo soo jiidhatay indhaha dadka taas oo ahayd – 139 ah kabaha dumarka , oo si habsami leh loogu diyaariyey daar buluug ah oo weyn.
Waxaa ay goobta ka heleen nin lagu magacaabo Tsunehito Isobe, oo ah 47 jir xafiiska ka shaqeysa oo caan ku ah xadhida kabaha haweenka ee la isticmaalay.
Arrinta xiisaha leh ayaa waxay tahay in ninkan loo qabtay isla dambigan toddobo sano ka hor, markii 200 oo ah kabaha dumarka laga helay gurigiisa ayna booliisku la wareegeen.
Isobe waxaa laga yaabaa inuu sii wadhi laha uruurinta iyo xadhida kabo dheeri ah haddii aysan ahayn kamarada qarsoon oo qabatay isaga oo si dhuumaalaysi ah ku galaya dhisme xafiis oo ku yaal Murakami xadayna labo kabood oo lagu qiimeeyay 500 yen, 2-da Maarso
Shirkadda ayaa keentay kamaradda qarsoon ka dib markii ay muddoyinkii danbe xafiiska ku soo bateen kiisaska xatooyada kabaha dumarka.
Isla markii ay booliisku daawadeen muuqaalka, waxay ogaadeen inay la macaamilayaan qof la yaqaan, sidaa darteed ayay ku booqdeen isaga oo ay ka heleen kabaha aadka u badan iyo sida cajiibka ah ee uu u diyaariyay.
Tsunehito Isobe ayaa loo xiray tuhun xatooyo iyo xadgudub 19-kii bishii May, waxaana sagaal maalmood ka dib la soo taagay maxkamad. Iyada oo dhammaan caddaymaha la hor dhigay ayuu qirtay dambiga.
“Waxaan xiiseynayay kabo ay dumarku xirtaan tan iyo yaraanteydii, Waxaan xadayay dhowr sano. Waxaan u sameeyay inaan ku qanciyo rabitaankayga galmada, urta ayaa ah qodob muhiim ah. ”ayuu yiri
Sannadkii 2014-kii, isla ninkan ayaa markii ugu horreysay la qabtay oo la helay isagoo haysta sanduuqyo iyo kartoonno oo ay ku jiraan qiyaastii 244 nooc oo kabo ah, 200 oo kabo laga soo xadhay goobaha caafimaadka.
Eedeysanaha ayaa booliska u sheegay in kaliya kala bar 139-ka kabood uu ka soo xadhay haween, inta kalena uu ka iibsaday internetka ama dukaamada iibiya alaabada la soo isticmaalay.
Illaa iyo hadda milkiilayaasha 13 kabood oo kaliya ayaa la helay oo sheegtay alaabtooda, ka dib markay arkeen booliska oo soo bandhigay.
Home Warbixinno Dheeraad ah Tuug la xiray markii labaad muddo toddoba sanno gudaheed ka dib markii...