Maxkamad ku taalla Nairobi ayaa berri go’aan ka gaari doonta in 14 maalmood ay laamaaha ammaanka xabsiga ku sii hayn doonaan eedeysane loo haysto inuu dhawaan toogasho ka gaystay goob lagu caweeyo oo loo yaqaano Quiver Lounge oo ku taalla deegaan baarlamaneedka Kasarani ee ismaamulka Nairobi.
Eedeysnaha oo lagu magacaabo Dickson Njanja Mararo ayaa waaxda dambi baarista dalka DCI-da sheegtay inuu shalay isku dhiibay laamaha ammaanka.
Mararo ayaa tagay xarunta dhexe ee dambi baarista isagoo uu wehelinaya qareenkiisa Cliff Ombeta.
Falkan ayuu ku kacay habeenimadii ay Sabtidu soo galaysay waxaa uuna dhuumaaleysanayay tan iyo xilligaasi.
Waxaa uu halkaasi ku dhaawacay saddex qof oo labo ka mid ah ay yihiin boolis.
Waxaa uu saaka ka soo hormuuqday maxkamadda, iyadoo baarayaasha kiiskan ay codsadeen wakhti dheeraad si baaritaanada arrinkan ku aaddan loo soo dhameystiro.