Qaar ka mid ah shaqaalaha Kajiado oo gadoodsan

0
308

Holwadeenada qabto shaqooyinka yaryar ee isbitaalka wayn ee ismaamulka Kajiado ayaa wacad ku maray in aynan dib ugu laaban doonin goobahooda shaqo .
Waxay sheegeen in ay jiraan lacago ka maqan muddo 5 bilood ah.
Tani ayaa imaanaysa iyada oo wasaaradaha caafimaadka iyo maaliyadda ee dowlad deegaankaasi ay sheegeen in ay ku dadaalayaan sidii shaqaalaha cabanaya loo qancin lahaa.
Wasiirada wasaaradahan ayaa dib u dhaca ku yimid bixinta lacagaha howlwadeenada u aaneeyay caqabad kaga timid dhanka dowladda dhexe.
Hasa ahaate waxay sheegeen in ugu dambeyn maanta la bixin doono musharaadka shaqaalaha gadoodsan si ay u sii wadaan adeegyada ay u hayaan bulshada.