Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya ayaa Faahfahain ka bixiyay Howlgalo Qorshaysan oo ay ka fuliyeen Deegaano ka Tirsan Gobolka Gedo.
Taliska Ciidanka Milatariga Soomaaliya ee degmada Buur-dhuuboa ayaa faahfaahin ka Bixiyay howlgalo Saacadihii la soo dhaafay ay ka Fuliyeen Deegaano dhowr ah oo Hoose taga Degmada buur-dhuubo ee Gobolka Gedo.
Deegaanada ay Howlgaladu ka dhaceen ayaa Ciidanka Milatariga Soomaaliya sheegeen inay Dagaalameyaasha Al-shabaab ay Mararka Qaar dadka shacabka ah uga Qaadi jireen lacago baad ah.
Laba Xidigle C/raxmaan Maxamad Ibraahim oo ahaa Sarakaalkii Howlgaladaan hoggaaminayay ayaa sheegay in dhammaan deegaanada ay howlgaladaan ka Sameeyeen ay horay dagaalameyaasha Al-shabaab Lacago uga qaadan Jireen dadka shacabka ah,taasoo keentay in Ciidanada Xoogga Dalka Soomaaliya ay si deg deg ah kaga Jawaabaan Cabashada kaga timid dadka Shacabka ah.