Waaxda qaabilsan in ardayda dhameeyay dugsiyada sare ee dalka ay si siman ugu biiraan machadyada iyo jaamacadaha ee KUCCPS ayaa bayaan soo saartay.
Waxay waaxdu sheegtay in ardaygii horay u codsaday koos ama culuunta uu doonayo inuu barto uu haysto ugu dambeyn maanta si uu mid kale u xusho.
Mudada kama dambeyska ah ee ardaydan loo qabtay ayaa ah 3-da galabnimo ee maanta.
Labo toddobaad ka hor ayay ahady markii waaxda (KUCCPS) ay fursad siisay in ka badan 43,425 oo ah arday helay buundada C+ si ay u xushaan koosaska ay doonayaan in ay bartaan.