Cabdinuur Cali Mahdi oo ka mid ah dhallinyarada gobolka waqooyi bari sidoo kalena sameeyay Applikeeshinka M-Lugha, sidoo kalena ah shakhsi si gaar ah u daneeya sidii tiknoolojiyada loogu horumarin karo waxbarashada ayaa sanadkii tagay loo doortay safiirka Kenya ku matalaya Hay’ada aqoonta caalamiga ee WLF.
Xamdi Gurey oo barnaamijka waxbarasahada ku martiqaaday ayuu uga warramay xilkan.
Cabdinuur ayaa faahfaahinaya sidii ay ku suurtagashay in xilkaasi loo doorto.
Waxaa uu ka jawaabayaa su’aal ku saabsan waxyaabaha u qorsheysan.
Dhanka gobolka waqooyi bari oo uu Cabdinuur Cali Mahdi ku soo waxbartay, maadaama xilkan loo doortay dhanka taclinta gobolkana ay caqabado ka jiraan waxaan weydinay waxaa uu u qaban karo gobolka ee dhanka horumarinta waxbarashada iyo fursadda uu u helay in jaamacadaha iyo iskuullada uu ka hadlo.