Hoggaamiyaasha taageersan madaxweyne ku xigeenka dalka oo ku baaqay in aan la siyaasadeyn la dagaalanka musuqmaasuqa

0
396

Madaxda siyaasadeed ee xulafada la ah ku xigeenka madaxweynaha dalka William Ruto ayaa soo jeediyay in loo baahan yahay in dagaalka dowladda dhexe ay kula jirto musuqmaasuqa uusan noqon mid siyaasad ku saleysan.
Waxay sheegeen in mararka qaar hay’adaha dowladda ay bartilmaameedsadaan shakhsiyaadka aragti ahaan ka duwan maamulka sare.
Waxay tusaale u soo qaateen waaxda dambi baarista dalka ee DCI-da oo ay ku tilmaameen in ay cabsi geliso siyaasiyiinta taabacsan William Ruto.
Hasa ahaate waaxdan ayaa horay iskaga fogeysay eedeymahan waxayna sheegtay in ay baaritaanada u sameyso qaab waafaqsan xeerarka wadanka.